05/31/2026
Hal mid ogaada, in gabadhaas yarta ah Bam F1 ayadoo afka ku sidato TikTok muuqaal isaga duubto waa khatar amni.
Waxaase ka sii khatar badan gabadhaas askartii u dhiibay bambada. Ciidanka iyo TikTok-leyda way isku milmeen iyaga oo doonayo in views badan ka helaan aalladda TikTok.
Waa in hay'adda ammaanka ciidanka kula xisaabtamaan dayacaada hubka iyo mas'uuliyad xumada ah in hubka gacanta loo galiyo dhallinyaro shacab ah.