08/30/2026
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta daahfuray barnaamijka shaqaalaha cusub ee Somaliland, kuwaas oo la qaadanayo 2026, waxaana imtixaanka loo gelayaa tartan furan. Tirada shaqaalaha guud ee loo tartamayo waa 1,393 boos wadarta guud, taas oo loo qaybiyay
1: Awdal — 20%:
2: Maroodi-jeex — 20%:
3: Togdheer — 20%:
4: Sanaag — 15%:
5: Sool — 10%:
6: Saaxil — 10%:
Dhanka Puntland, Xukuumada Said Deni ayaa iyada shaacisay inay qaadanayso 500 oo shaqaale ah, balse weli lama sheegin faahfaahin dheeri ah, sidoo kale shaqaalaha dawlada ayaan iyagu helin xuquuqdooda.
Dhanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, ma jirto hanaan furan iyo fursad loo siman yahay xagga shaqaalaysiinta, xubnaha sare ee dawlada sidda wasiirada iyo xildhibanaada iyo dadka kale ee galaangalka dawlada leh, ayaa kala qayb-sada.