Cabas vlogs Tutorial

Call Directions Website

Cabas vlogs Tutorial You can find entertainment, interesting videos, funny stories, news about celebrities, and fresh content that attracts and engages the community.

Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay ogoshahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed.Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soma...
10/03/2026

Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay ogoshahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland oo war saxaafadeed ay uga jawaabeyso hadaladii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xustey in Hargeysa ay dhankeeda taageerayso in Itoobiya ay hesho marin baddeed, iyadoo loo marayo wadda-hadal nabadeed iyo heshiisyo faa'iido wadaag ah.

Madaxda sare ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa, hadalladoodii u damb...
10/03/2026

Madaxda sare ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa,

hadalladoodii u dambeeyay waxay ay Muujinayaan in la isku dayo in bulshada Somaliland iyo xisbiyadeeda si siyaasadeed lagu kala qaybiyo gaar ahaan arrimaha waaweyn ee somaliland u soo kordha .

Sida heshiiskii Itoobiya ee bada xukuumaddii h**e Madaxweyne Muuse Biixi, iyo arrinta aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Waxaan shacabka Somaliland ugu baaqayaa ha noqonina kuwo la isku adeegsado ama la kala qaybiyo

Khilaafaadka siyaasadeed ee inaga dhexeeya waa in aynu inagu wada hadal ku xallinnaa, balse aan cid kale inoo kala qaybin.

"Somaliland oo kaliya ayaa laga helaa Wakiil la magacaabay oo suuqa ku mara dharka kubada, Danjirre waxa uu leeyahay hab...
10/03/2026

"Somaliland oo kaliya ayaa laga helaa Wakiil la magacaabay oo suuqa ku mara dharka kubada, Danjirre waxa uu leeyahay hab dhaqan u..."Ex Wasiir Cabdinaasir Buuni.

Marka dawlad u magacawdo dawlad kale Danjire Qofka la magacaabay waxa uu tagaa dalkii loo magacaabay marka la soo aqbalo inta uu dalka sii joogana waxa hawshiisa xil ka saaran yahay Wasaarada Arimaha dibada

Somaliland oo kaliya ayaa laga helaa Wakiil la magacaabay oo suuqa ku mara dharka kubada, Danjirre waxa uu leeyahay hab dhaqan u gaara, meesha aad fadhiisanayso, dharka aad xidhanayso, Qaabka aad cuntada u cunayso, waxaa oo dhan waa casharo la Barto ilayn waxa aad la macaamilaysaa dawlado garanaya Qiimaha Danjiraha.
W/Q; Ex Wasiir Cabdinaasir Buuni.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Shucayb Maxamed oo Rasa'as lagu furay Xilli uu Khudbad Ka Jeedinayay Laas-GeelWasiirka...
10/02/2026

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Shucayb Maxamed oo Rasa'as lagu furay Xilli uu Khudbad Ka Jeedinayay Laas-Geel

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Shucayb Maxamed ayaa rasa'as lagaga soo riday xilli uu khudbad ka jeedinayay goobta dalxiiska ee Laas-Geel, halkaas oo ay yaallaan astaamo iyo farshaxanno qadiimi ah.

Dadka deegaanka ayaa ka cadhooday mashruuc laga fulinayay goobta dalxiiska kaas oo la sheegay inuu madmadow ka galay, isla markaana ay saluugsanaayeen qaabka loo maamulay.

Mashruucan ayaa la sheegay in maalgelintiisa ay bixisay hay’adda Expertise France, halka maamulka iyo fulintiisana ay qayb ka ahayd Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Shucayb Maxamed ayaa goobta u tegay sidii uu dadka deegaanka ugu qancin lahaa mashruuca, balse markii uu hadalka bilaabay, kaddib markii xafladda lagu soo dhaweeyay, ayaa rag ka mid ah dadka deegaanka ay buurta ka soo fuuleen, rasa'asna ooda kaga qaadeen.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Safar galabta ku gaadhay waddanka Masar. Ujeedka safarka waxa uu salka ...
10/02/2026

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Safar galabta ku gaadhay waddanka Masar. Ujeedka safarka waxa uu salka ku haya isbadallada waa weyn ee ka socda geeska Africa iyo cilaaqaadka labbada waddan.

"Maayirku Dowladdii hoose waxa uu ka dhigay xero dumarku sitaatka ku tuntaan........Qofka doonaya in uu mayorka lacag ka...
10/01/2026

"Maayirku Dowladdii hoose waxa uu ka dhigay xero dumarku sitaatka ku tuntaan........

Qofka doonaya in uu mayorka lacag ka qaado, ama mushaharku ka raago, shahaado sharaf ha gudoonsiiyo ama xeedho ha u soo xidho.

(that is his mentality ). Dowladdii hoose waxa uu ka dhigay xero dumarku sitaatka ku tuntaan"

W/Q: Xildhibaan rabiile oo ka tirsan golaha deegaanka Degmada Borama

Maxaweyne xasan Sheikh oo waraaqaha Aqoonsiga danjirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee waddanka Turkiga iyo Midawga Yuru...
10/01/2026

Maxaweyne xasan Sheikh oo waraaqaha Aqoonsiga danjirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee waddanka Turkiga iyo Midawga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Ferhat Alkan iyo Midowga Yurub mudane László Máthé, kuwaasi oo si rasmi ah u bilaabaya waajibaadkooda diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Dhankooda, Danjireyaasha aya Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen madaxdooda, iyaga oo bogaadiyay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta dalka.

Dawlad-deegaanka  ayaa loo doortay inuu shan sanno oo cusub hoggaamiyo  Madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar
10/01/2026

Dawlad-deegaanka ayaa loo doortay inuu shan sanno oo cusub hoggaamiyo Madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar

Marka aad Fahamto 5-taa Qodob, Kadib Ka Hadal Shirka Saxaafada Madaxa Bannaan ee Boorama !!(1) ■ Shirka loogama hadlaayo...
09/30/2026

Marka aad Fahamto 5-taa Qodob, Kadib Ka Hadal Shirka Saxaafada Madaxa Bannaan ee Boorama !!

(1) ■ Shirka loogama hadlaayo xaalada Boorama, lama diyaarinaayo barnaamij gaar ah oo ku sahabsan Boorama, lamana duubaayo war deg-deg ah !!

(2) ■ Guddida shirka saxaafada madaxa-bannaan oo guddoomiyuhu yahay weriye Reer Awdal ah iyo Ergada shirkuba waxay ka kala imanayaan Ceerigaabo, Burco, Berbera, Hargeysa iyo Boorama.

(3) ■ Shirkaasi kuma jiro xisbi mucaarad ah iyo mid muxaafad ah midna, keliya wuxu khuseeyaa suxufiyiinta madaxa-bannaan oo ka tashanaaya danahooda gaarka ah.

(4) ■ Shirkani waxa uu qayb ka noqon-doonaa shirarkii guuleystay ee Somaliland ay ku tix-geliso Boorama. Waxana bar-bar socda dhaqaalaha maalmahaasi soo galaaya magaalada iyo kor u kaca magaca sumcada leh ee Boorama.

(5) ■ Shir kasta oo aayo-ka-tashi ah gogoshiisa, bulshadu waxay la tegtaa meesha ugu nabad-gelyada fiican. Sidaasi darteed maaha in su'aal la geliyo ammniga Boorama oo 3-da habeenimo suuqa nabad lagu maro.

Ugu danbayn, in la qabto shirkani waa mid waajib ah, balse hadii loo garan-waayo Boorama, waa fursad hor taala in ay ka faa'iidaystaan magaalooyinka kale ee Somaliland.

RW. Dalka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa Abraham Belay u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Tamarta Nukliyeerka Itoobiya.
09/27/2026

RW. Dalka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa Abraham Belay u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Tamarta Nukliyeerka Itoobiya.

Address

Somalia �
Little Canada, MN
LASO

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabas vlogs Tutorial posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share