04/21/2026
Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka hadlay Xadhiga Xildhibaan Cabdiraxman Abiib Rabiile ayaa Yidhi
Waxaan aad cambaaraynayaa xadhiga maanta loo geystay Mudane Rabiile, oo ah Xubin Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama. Sida uu dhigayo Qodobka 28aad (Faq. 3aad) ee Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr. 23/2019, xadhiga xubin gole deegaan waxa loo marayaa in ogolaansho la weydiisto golaha xubintu ka tirsan tahay marka laga reebo haddii fal dembiyeed uu faraha kula jiro isla marka la qabanayo. Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa maamulka gobolka, taliska qaybta iyo degmada iyo guud ahaanba Wasaaradda Arrimaha Gudaha in xubintaas degdeg loogu soo celiyo xoriyaddiisa wixii eed ah ee ay u hayaanna qabasho horteed u gudbiyaan golihiisa.