SRAJ News

Directions Website

SRAJ News Hadalyar iyo Howlbadan

An independent and Outlet News that covers the Truth towards the oppressed and Marginalized Somali people who were under occupied since 1954 by the Ethiopian government under the consent of the British government through the barrel of gun.

LABADII HOGAAMIYE H**E EE TIGRAY OO MAANTA KU KALA MAAWEELANAYA XAALADO KALA DUWAN! Labadii madaxwayne h**e ee Maamulka ...
12/10/2026

LABADII HOGAAMIYE H**E EE TIGRAY OO MAANTA KU KALA MAAWEELANAYA XAALADO KALA DUWAN!

Labadii madaxwayne h**e ee Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Tigray (TIRA), Jeneraal Taddesse Werede iyo Getachew Reda, ayaa Isniintan ku kala sugan laba xaaladood oo kala duwan, kadib markii ay labaduba xilalka ka tageen xili uu khilaaf siyaasadeed ka dhax jiray hogaanka TPLF.

Jeneraal Taddesse Werede, oo la sheegay in ay gacanta ku hayeen maamulka uu hogaamiyo TPLF tan iyo markii dagaalku qarxay 23-kii Sebtembar, isla markaana meelo kala duwan loo wareejinayay tan iyo 2-dii Oktoobar, ayaa hada ku sii jeeda magaalada Mekelle. Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in la filayo inuu magaalada gaaro maalinta bari ah.

Dhanka kale, Getachew Reda ayaa ku sugan magaalada Alamata, halkaas oo uu uga tacsiyaynayo geerida aabihii oo geeriyooday 27-kii Sebtembar. Xaalada amni ee xiligaas jirtay ayaan u saamaxin inuu safro geerida aabihii, kana qayb qaato aaska iyo tacsida.

Labadan masuul ee h**e ayaa maanta ku kala sugan xaalado nololeed oo kala duwan, iyadoo dhacdooyinkani ay mar kale iftiiminayaan isbadaada siyaasadeed iyo xaaladaha adag ee ka jira deegaanka Tigray.

===================================

TWO FORMER TIGRAY LEADERS, TWO VERY DIFFERENT REALITIES!

The two former heads of the Tigray Interim Regional Administration (TIRA), Lt. Gen. Taddesse Werede and Getachew Reda, are facing very different circumstances this Monday following their departures from office amid political tensions within the Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Lt. Gen. Taddesse Werede, who was reportedly detained by the TPLF-led administration following the outbreak of renewed fighting on September 23, has reportedly been moved between different locations since October 2. He is now said to be heading toward Mekelle, with reports indicating that he is expected to arrive in the city tomorrow.

Meanwhile, Getachew Reda is in Alamata, mourning the loss of his father, who passed away on September 27. The security situation at the time reportedly prevented him from travelling to attend his father’s funeral and take part in the mourning ceremonies.

The contrasting circumstances of the two former leaders reflect the complex political developments and personal challenges unfolding in Tigray. Their situations also underscore the continuing tensions and uncertainty surrounding the region’s leadership and political future.

SRAJ News

DIGNIIN DEGDEG AH: SAFaarada MARAYKANKA OO MUWAADINIINTEEDA U DIGTAY Xaalada AMNIGA EE WAQOOYIGA ITOOBIYA!Safaarada Mara...
12/10/2026

DIGNIIN DEGDEG AH: SAFaarada MARAYKANKA OO MUWAADINIINTEEDA U DIGTAY Xaalada AMNIGA EE WAQOOYIGA ITOOBIYA!

Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa muwaadiniinteeda ku sugan deegaanada Amxaarada, oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, Tigrayga iyo Canfarta kula talisay inay ka baxaan deegaanadaas hadii ay suurtagal tahay.

Safaaradu waxay sidoo kale kula talisay dadka aan awoodin inay baxaan inay galaan goobo amaan ah (shelter) oo ay halkaas ku sugnaadaan ilaa xaalada amni ay ka soo hagaagayso.

Digniintan ayaa muujinaysa walaaca laga qabo xaalada amni ee deegaanadan, iyadoo muwaadiniinta Maraykanka lagu booriyay inay si dhaw ula socdaan xaalada una hogaansamaan talooyinka badbaadada.

==========================================

URGENT SECURITY ALERT: U.S. EMBASSY WARNS AMERICANS AMID RISING SECURITY CONCERNS IN NORTHERN ETHIOPIA!

The U.S. Embassy in Addis Ababa has urged American citizens in the Amhara region, including the historic city of Lalibela, as well as Tigray and Afar, to leave these areas if it is safe and feasible to do so.

Those unable to leave have been advised to seek shelter in a secure location and remain there until the security situation improves.

The advisory underscores concerns about the security situation in these regions, urging U.S. citizens to closely monitor developments and follow all recommended safety precautions.

SRAJ News

12/10/2026

XOGO XASAASI AH: Xaalada Waqooyiga Itoobiya oo sii kululaanaysa!

Wararka laga helayo Tigrayga ayaa sheegaya in ciidamada federaalku u sii dhawaanayaan magaalada xuduuda ku taala ee Rama, halka dhanka Adigrat laga soo sheegayo dagaalo culus. Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada TPLF ay ka baxeen Aksum.

Khilaaf cusub ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Raya, halkaas oo ay isku maandhaafeen kooxo hubaysan oo Tigree ah iyo dadka deegaanka. Xisbiga Aben ayaa la sheegay inuu ku baaqay in kooxaha hubaysan ay ka baxaan degmooyinka Raya.

Dawlada Itoobiya ayaa Addis Ababa ku soo bandhigtay hub la sheegay in laga qabtay Mekelle, iyadoo safiiro shisheeye lagu casuumay bandhigga si loo tuso halka hubku ka yimid, loogana hadlo doorka dalal kale ee colaada.

Dhanka siyaasada, OLF ayaa ku baaqday midnimo dhax marta xisbiyada Oromada, iyadoo laga hadlayo danaha Oromada iyo arinta marin-badeedka Itoobiya. Jawhar Maxamed isaguna wuxuu taageeray dagaalka dawlada federaalku wado.

Dhanka kale, muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya shan sarkaal oo sarsare oo la sheegay inay TPLF ka soo goosteen, iyagoo la jooga ciidamada TPF ee dawlada federaalka taageera. Xaalada waqooyiga Itoobiya ayaa wali ah mid isba--badal degdeg ahi ka dhici karo.
===================================
SENSITIVE DEVELOPMENTS: TENSIONS CONTINUE TO ESCALATE IN NORTHERN ETHIOPIA!

Reports from Tigray indicate that federal forces are advancing toward the border town of Rama, while heavy fighting has reportedly been reported in the Adigrat area. Meanwhile, sources familiar with the situation claim that TPLF forces have withdrawn from Aksum.

New tensions have also been reported in Raya, where armed Tigrayan groups have reportedly clashed with local residents. The Aben party is said to have called on armed groups to withdraw from the Raya districts.

The Ethiopian government has displayed weapons in Addis Ababa that it claims were seized in Mekelle. Foreign diplomats were reportedly invited to the exhibition to demonstrate the alleged origins of the weapons and discuss the potential involvement of other countries in the conflict.

On the political front, the OLF has called for unity among Oromo political parties, with discussions focusing on Oromo interests and Ethiopia’s quest for maritime access. Jawar Mohammed has also expressed support for the federal government’s military campaign.

Meanwhile, a video circulating online reportedly shows five senior officers said to have defected from the TPLF alongside members of the Tigray Peace Forces (TPF), which supports the federal government.

The situation in northern Ethiopia remains highly volatile, with the possibility of rapid and significant developments in the coming hours and days.

SRAJ News

JENERAAL TADESSE WOREDE IYO SARAAKIIL KALE OO LA SII DAAYEY!Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Jeneraal Tadesse Worede iy...
12/10/2026

JENERAAL TADESSE WOREDE IYO SARAAKIIL KALE OO LA SII DAAYEY!

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Jeneraal Tadesse Worede iyo saraakiil kale oo horay loo xiray la sii daayay, isla markaana ay hada ku jiraan gacanta ciidamada ENDF/TPF, iyagoo la sheegay inay nabad qabaan.

Saraakiishan ayaa markii h**e lagu xiray Mekelle, kadibna loo wareejiysy dhanka xuduudaha waqooyi. Talaabadaasi waxay dhalisay walaac xoogan oo ku saabsan suurtagalnimada in loo gacan galiyo Eritrea.

Sii-dayntooda ayaa noqonaysa war rajo leh, iyadoo indhaha lagu hayo talaabooyinka xiga iyo xaalada amni ee Tigray.
==========================================
BREAKING NEWS: GENERAL TADESSE WOREDE AND OTHER OFFICERS REPORTEDLY RELEASED!

Reports indicate that General Tadesse Worede and several other previously detained officers have been released and are now reportedly in the custody of ENDF/TPF forces. They are said to be safe.

The officers were initially detained in Mekelle before reportedly being transferred toward the northern border areas, raising serious concerns about the possibility of their handover to Eritrea.

Their reported release is a welcome and encouraging development amid growing tensions in Tigray. Attention now turns to what happens next as the region’s political and security situation continues to unfold.

SRAJ News

WAR CUSUB: KOMISHINEERKA CUSUB EE TPLF OO SHIL GAARI GALAY ISAGA OO LA SHEEGAYO INUU CARARAYAY!Wararka laga helayo xaala...
12/10/2026

WAR CUSUB: KOMISHINEERKA CUSUB EE TPLF OO SHIL GAARI GALAY ISAGA OO LA SHEEGAYO INUU CARARAYAY!

Wararka laga helayo xaalada Tigrayga ayaa sheegaya in komishineer dhawaan xilka loo magacaabay oo ka tirsanaa TPLF uu galay shil gaari xili uu baxsad ku jiray. Sida xogta la helay lagu sheegay, shilka wax dhaawac ah k**a soo gaarin, waxaana la sheegay in ciidamada milatarigu gacanta ku dhigeen.

Arintan ayaa imanaysa xili komishineerkii isaga ka h**eeyay uu dhinaca dawlada federaalka Itoobiya u goostay, halka ninkan cusubna uu xilka hayay mudo kooban.

Xaaladda Tigrayga ayaa wali leh isbadalo siyaasadeed iyo kuwo amni oo si maalin-le ah isku badalaysa jilib culustii TPLF ayaa si adag loo kala fur-furay.
===================================
BREAKING NEWS: NEWLY APPOINTED TPLF COMMISSIONER REPORTEDLY INVOLVED IN CAR ACCIDENT WHILE ATTEMPTING TO FLEE!

Reports from Tigray indicate that a commissioner recently appointed by the TPLF was involved in a car accident while reportedly attempting to flee. According to the information received, he escaped the accident unharmed but was subsequently apprehended by military forces.

The incident comes amid reports that his predecessor had defected to the Ethiopian federal government, meaning the newly appointed commissioner had held the position for only a short time.

Tigray continues to face rapidly evolving political and security developments, with reported internal divisions and shifting loyalties raising further questions about the TPLF’s leadership and organizational stability.

SRAJ News

FALANQAYN: SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY ISBADAL SIYAASADEED SI AY U HESHO AMNI IYO HORUMARProfessor Mohamud Ahmed (Ca...
12/10/2026

FALANQAYN: SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY ISBADAL SIYAASADEED SI AY U HESHO AMNI IYO HORUMAR

Professor Mohamud Ahmed (Cagaweyne) ayaa maqaal cinwaankiisu yahay “To Tackle Insecurity and Prosper, Somalia Needs Political Renewal” ku qoray wargayska Kenya ee The Standard, maanta oo ah 12-ka Oktoobar 2026.

Maqaalku wuxuu diirada saaraya baahida Soomaaliya u qabto dib-u-cusboonaysiin siyaasadeed si wax looga qabto amni-darada loona abuuro jawi horumarineed.

Professor-ku wuxuu cinwaanka ku muujinayaa in amniga iyo horumarka Soomaaliya aan lagu gaari karin oo kaliya talaabooyin amni, balse ay muhiim tahay in dib loo eego habka siyaasadeed ee dalka loo maamulayo.

Dib-u-habaynta siyaasada, hogaan wax-ku-ool ah iyo hay’ado dawladeed oo shaqeeya ayaa ah arimo muhiim u ah xasiloonida iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Sidoo kale, xal waara oo amni wuxuu u baahan yahay in la helo hanaan siyaasadeed oo wax ka qaban kara khilaafaadka, isla markaana xoojin kara kalsoonida shacabka iyo dawladnimada.

Fiiro gaar ah: Qoraalkani waa dulmar guud oo ku salaysan cinwaanka maqaalka; si aad u hesho maqaalka oo dhamaystiran--Link-ga hoose ka akhriso

Somalia needs inclusive political reforms, accountable leadership and stronger institutions to tackle insecurity and defeat Al-Shabaab.

12/10/2026

XOG CULUS: JAWAR MOHAMED OO KASHIFAY SHEEGASHO LA XIRIIRTA 100 MILYAN OO BIRR IYO MAYARKII H**E EE DIRE DAWA!

Siyaasiga Jawar Mohamed ayaa ka hadlay eedaymo culus oo la xiriira musuqmaasuq la sheegay inuu dhacay xiligii uu Kader Juhar ahaa duqa magaalada Dire Dawa.

Jawar ayaa sheegay in Kader Juhar uu si sharci-daro ah ganacsato ku sugan Dire Dawa uga qaatay lacag ka badan 100 milyan oo Birr, taas oo sida uu sheegay lala xiriiriyay qorshe la doonayay in lagu helo taageerada masuuliyiin sare oo dawlada federaalka ah.

Sida uu Jawar ku sheegay hadalkiisa, ujeedadu waxay ahayd in masuuliyiintaas ay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed ku qanciyaan in Kader Juhar mar kale loo magacaabo xilka duqa magaalada.

Jawar ayaa intaas ku daray in qorshahaasi aanu hirgalin, isaga oo sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu diiday arintaas.

MUUQAALKA HOOS KA DAAWO: Jawar Mohamed oo ka hadlaya eedaymahan culus.
==========================================
SHOCKING CLAIM: JAWAR MOHAMED ALLEGES OVER 100 MILLION BIRR CORRUPTION SCANDAL INVOLVING FORMER DIRE DAWA MAYOR!

Ethiopian politician Jawar Mohamed has made serious allegations of corruption involving former Dire Dawa Mayor Kader Juhar.

Jawar alleged that Kader Juhar unlawfully collected more than 100 million Birr from businesspeople in Dire Dawa. According to Jawar, the money was allegedly intended to secure the support of senior federal government officials.

He claimed that the ultimate goal was to persuade Prime Minister Dr. Abiy Ahmed to reappoint Kader Juhar as mayor of Dire Dawa.

Jawar further stated that the alleged plan failed because Prime Minister Abiy Ahmed rejected the proposal.

WATCH THE VIDEO BELOW: Jawar Mohamed discusses the allegations.

12/10/2026

WAR DEGDEG AH: “ERITREA U CARARKEEDU MA AHA BADBAADO, WAA HALIS KALE!”--TPF

TIGRAY--Afhayeen u hadlay Ciidanka Nabada ee Tigrayga (TPF) ayaa caawa soo saaray hadal xasaasi ah oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee TPLF, isaga oo sheegay in si dhaw loola socdo dhaqdhaqaaqooda agagaarka xuduudaha Itoobiya iyo Eritrea.

Afhayeenku wuxuu sheegay in hogaanka TPLF uu wajahayo kala aragti duwanaansho ku saabsan talaabada xigta, gaar ahaan suurtagalnimada inay u gudbaan dhinaca Eritrea ama ay sii joogaan gudaha Itoobiya.

“Inaad u cararto Shacbiya, waxay la micno tahay inaad Naar gashay,” ayuu yiri afhayeenku, isaga oo digniin adag u diray xubnaha iyo kaadiriyiinta TPLF ee la sheegay inay ku sugan yihiin aaga xuduudaha.

Wuxuu ugu baaqay dagaalyahanada iyo taageerayaasha kooxda inaysan dalkooda ka bixin, isaga oo ku dhiirigaliyay inay sii joogaan Tigrayga, isla markaana si nabad ah isu soo dhiibaan.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in mustaqbalka Tigraygu ifayo, isaga oo fariintiisa ku saleeyay baaq ah in laga fogaado talaabooyin sii murjin kara xaalada.

===========================

BREAKING NEWS: “FLEEING TO ERITREA IS NOT SAFETY--IT MEANS WALKING INTO HELL!”--TPF

TIGRAY--A spokesperson for the Tigray Peace Force (TPF) issued a strong statement tonight regarding the whereabouts of senior TPLF leaders, claiming that their movements near the Ethiopia--Eritrea border are being closely monitored.

According to the spokesperson, the TPLF leadership is facing internal divisions over its next move, particularly whether to cross into Eritrea or remain inside Ethiopia.

“Fleeing to Shabia means walking into hell,” the spokesperson warned, delivering a strong message to TPLF members and cadres reportedly operating near the border.

He urged the group’s fighters and supporters not to flee the country, encouraging them to remain in Tigray and surrender peacefully.

The spokesperson also expressed optimism about Tigray’s future, calling on those involved to avoid decisions that could further escalate tensions and complicate the situation.

SRAJ News

Warbaahinti oo isku badashay k**aacshida dhiiga hooga iyo halaaga: Uneexaysiga Farax Cabdiqaadir iyo Dhiiga Shacabka Sud...
12/10/2026

Warbaahinti oo isku badashay k**aacshida dhiiga hooga iyo halaaga:

Uneexaysiga Farax Cabdiqaadir iyo Dhiiga Shacabka Sudaan iyo xidhiidhkiisa Dawlada Federaalka Ethiopia mar dhaw filo halkana Isha ku hay.

WAR CUSUB: GOLAHA AMMAANKA QM OO WADATASHI XASAASI AH KA YEELANAYA XIISADAHA WAQOOYIGA ITOOBIYA!NEW YORK--Golaha Amaanka...
11/10/2026

WAR CUSUB: GOLAHA AMMAANKA QM OO WADATASHI XASAASI AH KA YEELANAYA XIISADAHA WAQOOYIGA ITOOBIYA!

NEW YORK--Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu wadatashi albaabadu u xiran yihiin ka yeesho xaalada amni ee waqooyiga Itoobiya, xili ay sii xoogaysanayaan dagaalada iyo xiisadaha gobolka.

Warbixin ay baahisay The Reporter Ethiopia 3-dii Oktoobar, oo soo xiganaysa saadaasha Security Council Report, ayaa sheegtay in wadatashi noocan ah laga filayo xubnaha Golaha Ammaanka, iyadoo masuul ka tirsan Qaramada Midoobay la filayo inuu warbixin ka bixiyo xaalada.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili dagaallo kulu ka jiraan qaybo kamid ah Tigray, Cafar iyo Axmaarada, isla markaana ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa muujiyey walaac xoogan oo ku saabsan dagaalada dib u soo cusboonaaday, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay inay joojiyaan colaadaha, kuna laabtaan wadahadalka ku salaysan Heshiiskii Pretoria.

Su’aasha taagan ayaa ah: Golaha Amaanka ma ku ekaan doonaa qiimaynta xaalada, mise waxaa xigi doona dadaalo diblomaasiyadeed oo dheeraad ah oo lagu xak**aynayo xiisadaha sii kordhaya ee Geeska Afrika?

Xaalada waqooyiga Itoobiya ayaa hada noqotay arin si dhaw loola socdo, iyadoo laga cabsi qabo in colaadaha sii socda ay saamsyn ku yeeshaan nabada iyo xasiloonida gobolka.

SRAJ News

Address

350 S 5th Street
Nairobi
55401

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRAJ News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share