Hassan Yakub

Hassan Yakub "Social media mrktng|Activits|Polictial analyst|
Diplomacy|Soccer and Entertainment".

Wiilkan wuxuu gacmihiisa ku waayay mobile. "Magaceygu waa Zakariye. Waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dhibka igu dhac...
06/05/2026

Wiilkan wuxuu gacmihiisa ku waayay mobile.

"Magaceygu waa Zakariye. Waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dhibka igu dhacay iyo ciddii ii geysatay dhibkaan. Waxaan si naxariis leh idinka codsanayaa inaad fariinteyda dad badan gaarsiisaan si aan caddaalad u helo.

Maalin ayaan booqday xero ciidan oo aan deris nahay, si aan ula soo kaftamo dhalinyarada halkaas ku sugan. Waxaa xerada joogay askar dhalinyaro ah oo aan isku xaafad nahay.

Goobtii ayaan tagay, dhalinyaradii ayaan waqti yar halkaas kula qaatay. Cabaar markii la joogay ayaa askari nala fadhiyay yiri: 'Waxaa la iga xaday taleefankeyga!' Waa la raadiyay taleefankii, ugu dambeyntiina waa la waayay.

Isla markiiba qori ayaa la igu qabtay anigoo meesha fadhiya. 'Sheeg!' ayaa la igu yiri, 'Adiga ayaa qaaday taleefanka.' Waxaan ku iri: 'Ma qaadin, meeshii aan fadhiyay k**a kicin, ee xaggee geynayaa taleefanka?'

La igama aqbalin arrintaas. Si naxariis darro ah ayaa la igu xiray; xarig adag oo fiilo (silig) ah ayaa gacmaheyga iyo lugaheyga la isugu xiray. Waxaa la i dhigay oo la i seexiyay bacadka qorraxda. Muddo sagaal saacadood ah ayaan qorraxda yiilay, bishuna waxay ahayd bisha Maarso oo ahayd bil aad u kulul.

Casirka marka la gaaray, ayaa la iga furay fiiladii igu xirneyd gacmaha. Dhiiggii gacmaha ayaa istaagay, waliba si xad-dhaaf ah ayee u barareen. Waxaa la ii qaaday isbitaalka, balse si fiican la iima daaweynin. Maalmo markaan isbitaalka ku jiray xaaladdii gacmaheyga way kasii dartay. Waxaa la ii qaaday isbitaal dibadda ah, waxaana la ii sheegay in ay dhinteen unugyadii/xubnihii qaar ee gacanteyda. Kadib halkaas ayaa la iga jaray gacan, halka gacantii kalena qalliin la igu sameeyay.

Muddo yar kadib waxaa lasoo ogaaday taleefankii aan gacmaheyga ku waayay ee la igu eedeeyay. Waxaa xaday isla askari iyaga ka mid ahaa oo asxaabtooda ah, kaas oo dib ka soo saaray taleefankii."

Ragi dhibkas ii geestay waan aqaana, balse nasiib xumo dowlad waxbo ima qabanayso . Fadlan garab igu sii in ay fariinteyda meeldheer gaarto”

Qoraalkaas dheer ayuu soo dhigay TikTok ee fadlan cadaalad inuu helo aan ka shaqeyno.

Waxaan ka mid noqday dadkii nasiibka u yeeshay in ay si toos ah uga qeyb galaan doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka dh...
12/26/2025

Waxaan ka mid noqday dadkii nasiibka u yeeshay in ay si toos ah uga qeyb galaan doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

Doorashadan oo ahayd mid taariikhi ah waxaan Goobta Doorashada oo eheed Degmada Cabdicasiis ku sugnaa muddo ku siman 17 saacadood, laga bilaabo cod-bixinta ilaa cod-tirinta goobta.

Intii ay socotay, waxaan la kulannay waayo-aragnimo dhab ah oo muujineysa dadaalka, dulqaadka iyo niyadda wanaagsan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u qabaan dimoqraadiyadda iyo horumarka.

Waxa ay ii eheed fursad iyo faaiido-taariikheed oo ii korortay inaan si furan ula socday waxkasta oo goobta ka dhacay, Waxaa iga go’an in aan markasta qeyb ka noqdo dadaallada dalka iyo dadka wax loogu qabanayo.

Qof iyo cod ma ahan oo keliya doorasho ee waa fursad qof walba uu codkiisa ku muujin karo rabitaankiisa si uu u garab istaago cidda uu is leeyahay waa ay mudantahay iney ku hogaamiso sidoo kale waa cod xor ah oo lagu dhisayo mustaqbal wadajir ah, Soomaaliya waa Nabad.🗳️🇸🇴

World Champions Chelsea Football Club 💪⚽️💙
08/07/2025

World Champions Chelsea Football Club 💪⚽️💙

Laba season ka dib ninkaan oo sucuudiga iska dhiibayaa ii sawiran.“NO REFUND” bey taaganyihiin sporting.
08/07/2025

Laba season ka dib ninkaan oo sucuudiga iska dhiibayaa ii sawiran.

“NO REFUND” bey taaganyihiin sporting.

08/07/2025
Welcome to Chelsea Jorrel💙⚽️💪
08/03/2025

Welcome to Chelsea Jorrel💙⚽️💪

Address

6833 129th Street West
Minneapolis, MN
55124

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Yakub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Featured

Share