Xogside Online

Xogside Online Social media kaftan&sheeko

07/13/2026

Kashiyo kusiiyey maanka
Kalgacal waan kuqabaa
Keligaa adiga ii macaan
Oo keyd uyeelatay qalbiga

Kaligeey caashaqaan qabiyo
Kurbada wadnaha suran
Kolkii aan ku eegaa
Naftaydaad kaafisaa
Kashaydaad Dawaysaa

Kufkaygii adigaa ahoo
Kuligood Hablaha oo idil
Koley cid kugu doorsan maayo
Kurbada wadnaha suran
Kaltuun goormee iga daweyn

Kadis weeye caashaqu
Kolna ruux uma digo
Imisuu kadiido cuduriyo
Kurbo iyo ciil baday
Oo ukaxeeyay aakhiro
cilmiba kii iilka dhigay
Kolka anuu ihelay oo
Koonaha isaartee

Kufkaygii adigaa ahoo
Kuligood Hablaha oo idil
Koley cid kugu doorsan maayo
Kurbada wadnaha suran
Kaltuun goormee iga daweyn

Kalkii aan kuwaayana
Laabtii aad kasbatiyo
Kasha kuu olosha oo
Kurbo baa iheleesha oo

Kabtii aan kugu ogaa
Koonaha kaa daydayaay
Kufkaygii adigaa ahoo
Kuligood Hablaha oo idil
Koley cid kugu doorsan maayo

Kurbada wadnaha suran
Kumee waan kusugayee
Kaltuun goormee iga daweyn

07/10/2026

Ruux jamashadaa qaba
Dartaa ujeelanoo
Waxaan ahay jirabanoo

Kaa jeesan waayoo
Awgaa ujadbeysane
Ifka miyeyba joogtaa

Gabar jaahaaga oo kale
Qurux jamaal lasiiyoo
Jeel haraad aan uqabo

Dhaayaha jaleecada
Jowharad iyo luul
Jeegaan lamoodyayey

Jeexeygii midigeey
Jaceyl igu abuurmoo
Jamashadaa anoo qaba

Jarmaadada subaxii
Bariidada haiga jirinoo
Nafta salaan kujeenani
Afku juuqda yuu gabin

Fagaaro ag joogsiga
Dhaayaha jaleecada
Nafta adaa jiitoo

Kaa jeesan waayoo
Uurku wuxuu jecleystaa
Oo naftu ay jamataa
Abid inaan kula jiro

07/02/2026

Sow qalbi kudaacada
Dar alle kuu jacel
Naflaha kudoor biday
Keligaa kudoortay oo

Daryeel kaaraba oo
Nafta tii daweyn laheed
Oo kasha dabiibi laheed
Dahaboy inaad tahay
Adba waad dareentaye
idawee oo idabiib

Sidii deegaan qurxoon
Oo naq iyo doog lahoo
Nooluhu ku diirsadeen

Ayaa adna deeqoy
Indhihii mar kudaawada
K**a daalaan aragtida
Waxaan doonayo rabo
Adba waad dareentaye
idawee oo idaryeel

Waxaan Farxad dakeeyaa
Oo qalbigu ii dagaa
Docda aad kunoshahiyo

Markan d**o agtaadee
Dadka waad iixigtaaye
nafle kugu doorsan maaye

Waxaan doonayo rabo
Adba waad dareentaye
Idanee oo idaryeel

Dabeylaha xagaaga iyo
Dhaxan kaa dugsadaaye
Waxaan doonayo rabo
Adba waad dareentaye
idawee oo idabiib

Daakirada xasuusta iyo
Qalbiga adaa dagay oo
dacalka wadnaha suran
Waxaan doonayo rabo
Adba waad dareentaye
idawee oo idabiib

06/30/2026

Samir baa keena guul
Dulqaad baa suga hadaf
Noloshu waa cashar socda
Hankaaga hasurin meel dhow

Sare uqaad oo fogee
Xidigaha siraadiyo
Dayaxa samada gee

06/30/2026

Sidii daruur curatay oo
Cirkoo da'ay dharaar
Roob dhulka camimay oo

Cidna joogin abaar oo
Waxaad laceyntahay
Cosob naq soo baxay

Ubax ceynbaceyn ahoo
carf iyo udgoon lahoo
Cudur iyo iin laheynoo
Dadka cajabiya baad tahay

Cindiga iyo laabtiyo
Kashaa ku casuumantoo
Cidlada kaa waheshadaa

Hadad iga carootoo
Cagta saarto wadada
Cidlo kaaga tagi maayo
Marna ciil kubadimaayo
Cadaw kujabinmaayo
Oo carab dalableh iyo

Cod xun kuma iraahdeen
Waan kuu caqli celin lahayoo
Dhab kuu ciseyn lahaayoo
Cashar waana kusiin lahaa

Heedhe camal samaantaadiyo
Sidaad aniga ii cajabisaa
Caashaq laiikaa saaryoo

Cindiga iyo laabtiyo
Kashaa ku casuumantoo
Cidlada kaa waheshadaa

06/25/2026

Anigoo ilo xareedliyo
Biyo I ag yaalaan
Miyaan ubaxey dartaa

Weli anigu oon qabaayoo
Haraad owgaa igubay oo
Caashaq la ildaranahoo
Adna igu eegataa weli

Sidii ubad aan dhalay baa
Weli kuugu arxamaayoo
Dhibta kaa ilaalshaa

Amaantaada sidii baan
Afka ugu hayaayoo
Iin maleh yartaniyoo
Dadka ku iraahdaa

Indhuhu sidii baan deeqa
Markey adi ku eegaan
Farxad ku indho kuushaan

Inyar hadaan kuwaayana
Qalbiga ayaan ka ooyaa
Oo waxaan is iraahdaa

Eed ay tirsaneysiyo
Eel dhacay miyaa jira
Oo weli aad ogsooneyn
Maxaa inanta aamusiyey

Wehel inaad ii ahaatiyo
Oori dhab ii jecel
Ubad baan kaarabaa
Idan alle hakaagadhigo
Midaan is aroosno oo

Alleylehe ayaankeen
Kuwii guurkoodu u aayiyo
Is aaminoo is jeceloo
Barwaqo aaran daga
Alle weyne hanagadhigo

ECo-Mukhtar A. Ahmed

sideed sano iyo dheeraad Hashaan sugaayeySabada inan kumaaloSacabo maran iyo ebar Hadii saakay kajoogo Walee silic iima ...
06/24/2026

sideed sano iyo dheeraad
Hashaan sugaayey
Sabada inan kumaalo
Sacabo maran iyo ebar
Hadii saakay kajoogo
Walee silic iima laabna

Cilmi seyniska aan bartiyo
Digriiga anigu aan sitaa
Walee saacad k**a aflixinoo
Salary kuma qaadan weli

Alahayow sadka iimaqan
Adaan weli kaasugayaa
Aakhiro igu sii oo
Janooyinkaaga iseex sii

06/23/2026

Marbaa cadawgaagu
Colka aad tihiin
Caadil kuqasbaayo
Irsaq calaf kusiyaa
Ana ceynkaa inan ahye
Cabdiyow mamoogide
Waxba hais caloolxumeyn

06/23/2026

NASTEEXOOY XABIIBTII NARUUROY MAMOOG TAHAY AB ECO MUKHTAR

Sidii dayaxa nuuriyo
Nal iibaxay oo damin
Inaat tahay naq ii baxay
Nasteexooy xabiibtii
Naruurooy Mamoog tahay

Ruux adiga kuu nugul
Hadal aan naqdiyikarin
Inaan kuugu nafiso
Nasteexooy xabiibtii
Naruurooy Mamoog tahay

Ifka intaan noolahay
Inta nolosha ii hadhay
Inaan ahay qof kugu naban
Nasteexooy xabiibtii
Naruurooy Mamoog tahay

Inaan la'aantaa neefsan
Rajo kugu naawilaayoo
Inaan ahay naf kujecel
Nasteexooy xabiibtii
Naruurooy Mamoogtahay

Naag kale oon haweystaa
Waa iga naaska hooyadey
Anoo ka nuugay caano
Nasteexooy xabiibtii
Naruurooy Mamoog tahay

Ifka intaan noolahay
Inta nolosha ii hadhay
Inaan ahay qof kugu naban
Nasteexooy xabiibtii
Naruurooy Mamoog tahay

Address

New York, NY

Telephone

+252624241403

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogside Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share