Sade Jubbalander

Sade Jubbalander Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sade Jubbalander, Social Media Agency, Ohio, Columbus, Ohio City, OH.

10/15/2025

Madaxweynaha Jubbaland oo kullan Xaasaasi la yeelan doona Walaalkiisa Xasan.

10/15/2025

Mujriim Abdirashiid Janan ayaa warqad Cabasho ka qoray CXD ee Dawarishta Jubbaland Asaga ka cabsi inay so qabtan

WAR-BIXIN RASMI AHKu Saabsan: Wax-qabad xumada ka taagan Degmada Baladxaawo ee Gobolka GedoTaariikh: 12 Oktoobar 2025HOR...
10/12/2025

WAR-BIXIN RASMI AH

Ku Saabsan: Wax-qabad xumada ka taagan Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo

Taariikh: 12 Oktoobar 2025

HORDHAC

Degmada Baladxaawo oo ka mid ah degmooyinka istiraatiijiga ah ee Gobolka Gedo, waa magaalo muhiim ah oo ku taalla xadka u dhexeeya

Soomaaliya iyo Kenya.Ethiopia Infestation oo degmada ay leedahay dad firfircoon iyo dhalinyaro dedaal badan, haddana waxay wajahaysaa caqabado badan oo dhinacyo kala duwan ah, kuwaas oo saameyn ku yeeshay horumarka iyo nolosha bulshada.

Warbixintan waxay si gaar ah u eegaysaa sadex meelood oo muhiim ah oo ay ka jirto wax-qabad xumo:

1. Caafimaadka,
2. Waxbarashada
3. Bilicda iyo nadaafadda degmada.

1: CAAFIMAADKA

Adeegyada caafimaad ee degmada Baladxaawo ayaa ah kuwo aad u liita marka la barbar dhigo baahida dadka deegaanka. Dhibaatooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

Xarumaha oo aay gaabis ka muuqda dhanka dowlada haday tahay heer state ama heer fadarel halka dowladaha dariska aay kasamey nayaan horumar dhanka cafimadka

Shaqaale caafimaad oo kooban; dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad badankood waa kuwo ku-meelgaar ah ama aan si joogto ah u joogin degmada.

Gaadiid la’aan iyo waddooyin burbursan taas oo ka dhigta in bukaannada aan la gaarsiin karin xarumaha caafimaad.

Maaliyad xumo iyo ku-tiirsanaanta gargaarka hay’adaha samafalka.

Wacyigelin la,aanta caafimaad ka oo liidata taas oo keentay cudurro faafa iyo nafaqo darro bulshada dhexdeeda ah.

Saameynta dhibaatooyinkan waxay hoos u dhigtay helitaanka adeegyada caafimaad

2: WAXBARASHADA

Waxbarashada degmada Baladxaawo ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa dhibaatooyin badan oo saameyn ku yeeshay tayada iyo helitaanka adeegga waxbarasho.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu arkay waxaa ka mid ah:

Dugsiyo duugoobay ama burburay oo u baahan dib-u-dhis balaaran

Macallimiin tababar yari iyo mushaar yari haysa taas oo keentay in ay yaraadaan macallimiinta tayada leh.

Arday badan oo aan haysan buugaag iyo agab waxbarasho, iyo kuwo saboolnimo darteed iskoolka ka haray.

Gabdhaha oo weli wajahaya carqalado bulsho iyo dhaqan ka oo xannibaya waxbarashadooda.

Kormeer iyo qorshe waxbarasho oo aan joogto ahayn.

Caqabadahaas waxay hor seedeen hoos u dhac ku yimid heerka aqoonta iyo xirfadda dhalinyarada degmada.

3: BILICDA IYO NADAAFADDA DEGMADA

Bilicda magaalada Baladxaawo ayaa si weyn hoos u dhacday sababo la xiriira adeegyada bulshada oo aan hagaagsanayn.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

Qashin ururin la’aan iyo nidaam fayadhowr oo liita, taas oo saameysay nadaafadda guud iyo caafimaadka bulshada.

Wadooyin burbursan oo aan la dayactirin muddo dheer, taas oo dhaawacday bilicda magaalada.

In Nalal lagu xidhin wadooyinka iyo meelo dadweyne oo aan la dhisin sida jardiinooyin iyo meelaha lagu nasto.

Kaabayaal bulsho oo liita, sida ceelal, suuqyo iyo xarumo adeeg bulsho.

Amni darro iyo qorshe magaalo oo aan jirin, taas oo carqaladeysa maalgashiga iyo horumarka deegaanka.

GUNAANAD

Warbixintan waxay muujinaysaa in degmada Baladxaawo ay u baahan tahay qorshe mideysan oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo bilicda magaalada. Inkastoo dadaallo yar ay jiraan, haddana weli waxaa muuqda baahi weyn oo loo qabo taageero dowladeed, mid degaan iyo mid caalami ah.

TALO SOO JEEDIN

1. Caafimaadka:

In la dhiso xarumo caafimaad oo casri ah, laguna qalabeeyo daawooyin iyo qalab caafimaad.

In la kordhiyo tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka.

In la sameeyo wacyigelin joogto ah oo ku saabsan nadaafadda iyo caafimaadka bulshada.

2. Waxbarashada:

In dib loo dhiso dugsiyada duugoobay iyo in la siiyo agab waxbarasho.

In macallimiinta la siiyo tababarro iyo mushahar ku filan.

In la dhiirrigeliyo waxbarashada gabdhaha iyo dhalinyarada saboolka ah.

3. Bilicda iyo Nadaafadda:

In la sameeyo nidaam qashin ururin joogto ah.

In la dayactiro waddooyinka iyo nalalka magaalada.

In la abuuro jardiinooyin, meelaha lagu nasto iyo suuqyo nadaafad leh.

In la sameeyo qorshe magaalo casri ah oo lagu hagayo horumarka degmada.

Horumarinta Bulshada ee Degmada Baladxaawo
Gobolka Gedo – Soomaaliya
Taariikh: 12/10/2025

Xildhibaanada ku bahoobay Golaha Samatabixinta Qaranka oo ka kooban xubno Soomaaliyeed ayaa si adag uga soo horjeestay q...
10/10/2025

Xildhibaanada ku bahoobay Golaha Samatabixinta Qaranka oo ka kooban xubno Soomaaliyeed ayaa si adag uga soo horjeestay qalalaasaha ay Dowladda Federaalka ka wado Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

10/10/2025

New Jubaland iyo qorshaha in Madaxweynaha DFS lagu doorto Garowe ama Kismaayo ayaa haatan is barbar socdo, Buuq weyn jidka ku soo jiro.

34 xildhibaan oo laga soo doorto Jubaland ayaa digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka digay in hadd...
10/10/2025

34 xildhibaan oo laga soo doorto Jubaland ayaa digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka digay in haddii uu faragelin ku sameeyo arrimaha Jubaland, ay tallaabo adag qaadi doonaan.

Mw Axmed Madoobe marka laga reebo Mw Laftagareen Hogaamiyaha haysto taageero Xildhibaan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland iyo Ciidaanka Darawiishta Jubbaland ee Degmada Beled Xaawo.
10/10/2025

Soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland iyo Ciidaanka Darawiishta Jubbaland ee Degmada Beled Xaawo.

10/10/2025

Axmed oo ku soo Wajahan Degmada Beled Xaawo iyo Doolow. Welcome Mudane Madaxweyne.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Ayaa booqosho ku taagi doona Saldhiga Ciidaanka Darawiishta Jubbaland ay ku ...
10/10/2025

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Ayaa booqosho ku taagi doona Saldhiga Ciidaanka Darawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

10/10/2025

Hi everyone! 🌟 You can support me by sending Stars - they help me earn money to keep making content you love.

Whenever you see the Stars icon, you can send me Stars!

Address

Ohio, Columbus
Ohio City, OH

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sade Jubbalander posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share