15/05/2026
Maanta oo taariikhdu tahay 15-May-2026, waa dhammaadka muddo xileedkii madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay afar sano ka hor maanta oo kale, Xasan Shiikh Maxamuud, taasoo ka dhigan maanta inuu dastuuriyan yahay madaxweynihii h**e ee Soomaaliya.
W/Q: Siyaasi Sahro Cismaan Yuusuf
Madaxweyne h**e Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo dheer dhegaha ka furaysanayay talooyin gudaha iyo dibadda uga imaanayay oo la xiriiray mustaqbalka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, maanta ayay u beryeysaa xaalad ka duwan tii uu ku taamayay, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisii isaga oo aan haysan taageeradii buuxday ee shacabka iyo tan beesha caalamka.
Afartii sano ee uu xilka hayay, sida ay qabto Siyaasi Sahro Cismaan Yuusuf, shacabka Soomaaliyeed waxay la kulmeen khilaafyo siyaasadeed, dagaallo sokeeye, iyo xaalado amni oo cakiran, iyadoo maamulka Xasan Shiikh lagu eedeeyay inuu huriyay colaado siyaasadeed iyo isku dhacyo sababay khasaaro naf iyo maalba leh.
Sidoo kale, waxay sheegtay in Puntland ay kamid ahayd meelihii sida weyn uga dhiidhiyay siyaasadaha Villa Soomaaliya, gaar ahaan isku dayadii lagu wiiqayay madax-bannaanida iyo doorka siyaasadeed ee maamullada dalka.
Shacabka Puntland maanta waxay si cad u arkaan in siyaasaddii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay ahayd mid mira dhal ah oo dib usoo celisay miisaankii iyo maqaamkii Puntland.
Puntland maanta waxay kamid tahay meelaha ugu saamaynta badan siyaasadda dalka, iyadoo codkeedu leeyahay tixgelin iyo miisaan muuqda. Kalsoonida ay Jubbaland ku qabto Puntland waxay caddeyn u tahay doorka hoggaamineed ee Puntland maanta ku leedahay arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Madaxweyne Deni maanta wuxuu fadhiyaa goobihii go’aanka lagu gaarayay, isagoo matalaya danaha Puntland iyo guud ahaan shacabka ay isku aragtida yihiin. Afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa socday dadaal lagu soo celinayay maqaamkii Puntland, waxaana muuqata in dadaalkaasi uu guul ku dhammaaday.
Kuwii doonayay in Puntland laga yareeyo saamaynta siyaasadeed maanta waxay arkaan xaqiiq ka duwan tii ay filayeen. Puntland maanta ma joogto meel lagu hagran karo ama lagu yareyn karo doorkeeda siyaasadeed, waxaana muuqata inay dib u hanatay sharafteedii iyo miisaankeedii siyaasadeed.
Sida muuqata, Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu lumiyay fursad kasta oo uu taariikh wanaagsan uga tagi lahaa dalka, gaar ahaan wada-hadalladii ka socday xerada Xalane oo lagu doonayay in lagu gaaro hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, balse aan miro dhalin.
Waxaan bogaadinayaa madaxda madasha mustaqbalka iyo dadaallada ay ku doonayeen in dalka looga hirgeliyo doorasho heshiis lagu yahay, gaar ahaan madaxweyne h**e Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo door muuqda ka qaatay shirarkii ka socday Xalane.
Madaxda siyaasadda Soomaaliyeed, isimada dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maanta waxaa la gudboon inay u diyaar garoobaan sidii dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah iyo jahawareer siyaasadeed, loona heli lahaa waddo mideysan oo dalka looga gudbo marxaladda adag ee uu ku jiro.
Allaa Mahadleh.
🇸🇱 Share.